Dhageysi:-Dadkii Kusoo Barakacay Deegaanadda Gobolka Gado Oo Maanta Hey’adda Hormuud Foundation Ay Gaarsiisay Deeq Raashin+Sawirro.

Hey’adda Hormuud Foundation Ayaa Maanta Waxay Deeq Raashin  Ah  U Qeybisey Ku Dhawaad 300 Boqol Oo Qoys, Kuwaasi Oo Ah Qoysas Dhowaan Ku Barakacay Abaaraha Ka Taagan Gobolka Iyo Duqeymaha Ciidamada Kenya Ay Ka Geysteen Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo.

Qoysaskan La Siiyey Gargaarka Raashineed Ee Isugu Jira Haween, Caruur Iyo Dad Waayeel Ah Ayaa Waxay Ka Soo Kala Barakaceen Deegaanada Geriley, Faafaxdhuun, Cawsquran, Daarasalaam Iyo Dhamase, Waxayna Muddooyinkii Ugu Dambeeyey Ku Soo Qul Qulayeen Degmadsa Baardheere, Iyagoona Ku Biirey Ilaa Labo Xero Ee Ku Yaala Duleedka Baardheere.

Cabdulaahi Nuur Xasan, Cadow Oo Ah Gudoomiyaha Degmada Baardheere Ayaa Ku Amaaney Gargaarka Raashineed Ee Hormuud Foundation Ay Soo Gaarsiisey Qoysaska Ku Barakacay Abaaraha Iyo Duqeymaha Ciimada Kenya, Waxuuna Sheegay Gargaarka Noocani Oo Kale Ah In Wax Weyn Uu Ka Tari Doono Nolosha Qoysaska Barakacayaasha Oo Xaaladoodu Ay Aad U Liidatey. Cabdiraxman Ibrahin Cilmi Gudomiye K Xigenka Hormuud Foundation Ayaa Sheegay In Hormuud Xili Walbo Ay Garab Istaagan Tahay Dadka Dantayar Qureesho Aadan Cumar Oo Ka Mid Ah Dadka Deeqda La Gaarsiyay Ayaa Ka Mahadcelisay Deeqda Ugu Timid Hormuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here