Dhageysiga dacwad ka dhan ah barasaabka Samburu oo billowday

Waxaa ay maxkamadda guda gashay dhageysiga dacwad la xiriirta musuqmaasuqa oo uu wajahayo guddoomiyaha ismaamulka Samburu Moses Lenolkulal.
Waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa soo bandhigtay ilaa 42 qof oo ku marqaati kacaya barasaabka iyo 10 eedeysanayaal kale.
Ku xigeenka agaasimaha waaxda dacwad oogidda Alex Akula ayaa maxkamadda u sheegay in marqaatida ay caddeyn doonaan sida ismaamulka Samburu uu ku lumiyay malaayiin shilin.
Waxaa jawaab loo raadinaya sida ay ku suurtagashay in qandaraas dhanka shidaalka ah la siiyo kaalinta Oryx Service Station, oo la rumeysanyahay inay wada leeyihiin barasaabka Samburu iyo ganacsade lagu magacaabo Hesbon Ndathi.
Dokumeentiyada maxkamadda la hor dhigay ayaa muujinaya in guddoomiyaha iyo Ndathi ay ka faaiideen qandaraas ku kacayay in ka badan 85 milyan oo shilin.
Marqaatida kiiskan waxaa ka mid ah madaxa maaliyadda ee Samburu Joseph Mayani Lekalkuli.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here