(DHAGEYSO) Barasaabka Ismaamulka Garissa oo Baaq u diray Culimada

81

Guddoomiyaha ismaamulka Garissa Cali Bunow  Qorane ayaa  culimada   dowlad deegaankaasi ku booriyay  in marka  laga soo  tago waxbaridda  carruurta iyo  faafinta diinta islaamka ay sido kale  kaalin  weyn ka qaataan  jihaynta toosan  ee bulshada.

Waxaa uu kula taliyay inay   si daacad ah uga shaqeyaan  sidii  dadweynaha  ay ugu wada noolaan lahayeen  si  wadajir oo nabad ah.

Barasaabka  oo faahfaahin ka bixiyay  qorshaha maamulka uu hoggaamiyo ee dhanka diinta ayaa hoosta ka xariiqay in  Garissa aynan ka jirin dhibaato ama muran  qoto dheer oo  siyaasadeed  oo aynan  culays u arkin in lagu dhaliilo  waxqabadka dowladdiisa.

Arrimahan ayuu  guddoomiyaha Garissa Cali Bunow  Qorane  ka hadlay   xilli uu gurigiisa shalay ku afuriyay  in ka badan 300 oo ah  culimaaudiinka   ismaamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here