Dhageyso:- Falalka Faraxumeynta Gabdhaha oo ku soo Badanaya Makueni

Ismaamulka Makueni ayaa waxaa ku soo badanaya kiisaska    faraxumeynta lagula kaco gabdhaha yaryar.

Toddobaad kasta  maxkamadda  magaalada Makindu ee dowlad deegaankaasi waxaa  loo gudbiyaa ilaa  saddex  kiis  oo  falalkan la xariira.

In ka badan 200 oo dacwado ah oo ku aaddan gabdho la  faraxumeeyay ama  qaarkood la kufsaday ayaa hadda maxkamadda  hor yaalla.

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulkaasi Maxamad Macalim ayaa sheegay inay  falalka  dhacaya aad uga xunyihiin oo ayna  qasab tahay in xal degdeg ah loo helo.

Waxaa uu    billaabay olole  lagu dardargelinayo xal u helidda dhibaatooyinkaas isagoo    digniin adag u diray cid waliba oo ku lug lahaato.

Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in  xita waalidka  canugiisa lagu xadgudbo oo aan isla markiiba soo sheegin talllaabo sharciyeed laga qaadayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here