(DHAGEYSO) Madaxweynaha Dalka oo loogu Baaqay inuu isku keeno Hoggaamiyaasha Siyaasadeed

Senetarkii  horee  ee  ismaamulka Machakos Mr. Johnstone Muthama  ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta kula taliyay inuu dhammaan  hoggaamiyaasha  siyaasadeed ka  qeyb geliyo  kulan la mid ah midkii dhexmaray isaga iyo madaxa mucaaradka Nasa Raila Odinga.

Mr. Muthama ayaa hoosta ka xariiqay in kulankii Kenyatta iyo Raila ay yeesheen 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore  uu wadanka u horseeday xasilooni siyaaasadeed.

Hasa ahaate  waxaa  la doonaya sida uu hadalka u dhigay  in madaxweynaha uu  sido kale soo dhaweysto  Kalonzo Musyoka, Musalia Mudavadi, Moses Wetangula iyo ku xigeenkiisa William Ruto.

Senetarkii hore ee dowlad deegaanka Machakos ayaa  carrabka ku dhuftay in madaxweynaha looga baahan yahay inuunan u muuqan in uu cid gaar ah ku taageerayo ololaha    ay ugu jirto qabashada hoggaanka dalka  si mar  kale isqabqabsi iyo muran   uunan u dhicin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here