Dhageyso:-Madaxweynaha Puntland Oo Si Kulul U Eedeeyey Madaxda Dowladda Dhexe Ee Somaaliya.

119

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Ayaa Dhaliil U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya,Kadib Markii Xalay Uu Shir Jaraa’id Uu Uga Hadlayay Safarkisii Uu Ku Tegey Dalka Isutagga Imaaraadka Ku Qabtay Magaalada Garoowe.

Waxaa Uu Sheegay Madaxweyne Deni In Puntland Ay Welwel Ka Qabto Habka Wadashaqeynta Dowladda Federaalka Iyo Dalka Sida Loo Maamulayo.

Sidoo Kale Waxaa Uu Sheegay Deni In Puntland Khataraha Ugu Badan Dareemayso Ay Kamid Tahay In Nidaamkii Lagu Heshiiyay Iyo Dastuurkii Lagu Heshiiyey La Gacan Bidixaynaayo,Isla Markaana Wadadii Loo Baahnaa Uusan Ku Socon,Isagoona Xusay Inay Arrimahaas Ay Uga Muuqato Khatar Abuuri Karta In Siyaasada Dalka Ay Gaarto Meel Xun.

Dhinaca Kale Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Ayaa Shir Wadatasho Ah WaxA uu Isugu Yeeray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Kuwa Dowlad Goboleedyada Shirkaas Oo Ka Dhici Doona Magalada Garoowe Ee Xarunta Gobolka Nugaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here