Dhageyso: Odayaasha Beledweyne oo sheegay sababtay ku diideen ciidanka Dhuusamareeb la gaynayo.

Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa wali ka taagan muran ka dhashay qorshe la doonayay in Ciidamo ka tirsan booliska maamulka Hir-Shabeelle lagu geeyo Magaalada dhuusamareebe e Xarunta gobolka Galgaduud halkaasoo uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta ee beelaha degana deegaanada Maamulka Galmudug.
Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay amrtay in loo qaado Magalada Dhuusamareeb ciidamadaasi,hase ahaatee waxaa Talaabadaasi ka hor yimid ay Odayaasha & Waxgaradka Magalada Baladweyne.
Saraakiil ka socota Taliska qeybta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hataan ku sugan Magalada Baladweyne,wallow aysan wali u suuro galin inay ciidamadaas u daabulaan Magalada Dhuusamareeb.
Ugaas Xasan Ugaas khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ah duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weli gobolka Hiiraan ka jirto baahi Ciidan,isla markaana aysan raali ka noqoneyn in Ciidamo laga qaado.
Waxaa uu sheegay in Carruur aan xitaa qalabaysnayn oo aan loo dhamaystirin darayska iyo Qalabka Ciidanka ay diideen kuwaasooo Gobolka Hiiraan degmooyinkiisa laga soo aruuriyay balse aysan diidin ciidan qalabaysan oo dowladeed sida uu hadalkiisa u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here