(DHAGEYSO) Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo lagu Dhaliilay Go’aan ay ka Qaadatay Imtixaanada

Maamulaha  dugsiga  alma’muun ee degmada guriceel macalin shiiqoow ayaa isaga oo la hadlay idaacadda star fm waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay arrinta ah baabi’inta imtixaankii muddada saddexda maalin soo socday.

in kasta oo uu sheegay in loo baahan yahay cadaalad in laga sameeyo habka imtixaanka oo la kala saaro ardayda  wax soo baratay iyo kuwa  doonaya inay qaab musuqmaasuqaysan  imtixaanada ku galaan  ayaa haddana waxaa uu  carrabka ku adkeeyay   in tani ay tahay dhib soo gaaray ardada gaar ahaan  dadaalkii   ay  wadeen maalmihii uu socday imtixaanka .

Wasaaradda waxbarashada   iyo shaqaalaheeda ayuu dusha ka saaray eedeyn ah   in ay qaadayaan mas’uuliyadda dhibka maskaxeed  ah ee soo gaaro ardada maadaama ay iyada hawshan mas’uul ka tahay waxaana uu ugu danbeyn ugu baaqay  in laga  digtoonaado in mar kale ay dhacdo middaan oo kale

Maxamed Axmed waa arday ka mid ah ardada sannadkan qalin jabineysay waxaa uu idaacada star uga waramay dareenkiisa ku aadan tallaabada ay dowladdu qaadday

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here