DHAGEYSO: Wasiirka wasaarada Maaliyada Soomaaliya oo faahfaahiyay ku noqoshada Miisaaniyada Qaranka

Kadib markii Shalay Golaha wasiirada Soomaaliya ay ansixiyeen ku noqoshada miisaaniyada Sanadeedka 2019-ka sidoo kalena ay soo gabagabeeyeen xisaab xidhkii 2018-ka ayuu wasiirka wasaarada Maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle wuxuu Faahfaahin ka bixiyay sababta Keentay in Markale Gadaal loogu noqdo miisaaniyada qaranka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo guud ahaan looga hadlay dhaqaalaha iyo deyn cafinta, laguna ansixyay ku noqoshada miisaaniyadda 2019 iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018.
Wasiirka maaliyadda XFS oo ugu horreyn golaha war bixin ka siiyay natiijada ka soo baxday shirkii dhawaan Magaalada Addis Ababab ku dhex maray dowladda iyo Sanduuqa Lacagta Addunka (IMF) ee dib-u-eegista qaybtii 1aad Barnaamijka Dayn Cafiska Soomaaliya ee SPM4 iyo meesha uu marayo qorshahaasi, wuxuuna golaha ka codsaday inay ansixiyaan ku noqoshada miisaaniyadda 2019 iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018, oo dood kadib golohu cod wadar ogol ah ay ku meel mariyay.
C/raxmaan Ducaale Beyle wasiirka wasaarada Maaliyada Soomaaliya ayaa sharaxayay dhaqaalaha kale ee dowladu heshay oo sababay in markle dib loogu noqodo miisaaniyada 2019-ka

 

Miisaaniyadda 2019 ee ku noqshadeeda golaha wasiirradu ansixiyeen iyo xisaab xirka miisaaniyaddii 2018, ayaa loo gudbinayaa golaha shacabka si ay u meel mariyaan.
Ku tala galka miisaaniyadda 2019, ayaa aheyd 344.2 Milyan, dib u noqshada goluhu ansixiyayna waxaay tahay 390.1 Milyan, guud ahaan farqiga u dhexeeya ku tala galkii hore iyo ku noqshadana, ayaa ah 45.9 Milyan oo doollar.
Inta Badan Kororka miisaaniyadda Soomaaliya ee Sanadkaan 2019 ayaa ka yimid dakhliga gudaha, waxaana ku tala galkii hore ee dakhliga guduhu ahaa 189.9 Milyan, halka haddana la rejeynayo inuu gaaro 221.3 Milyan oo doollar, waxaana farqiga u dhexeeya uu 31.5 milyan oo doollar
Ku tala galka deeqaha dibadda ee Miisaaniyadda 2019 ayaa ahaa 154.3 Milyan, waxaana la rajeynayaa in uu gaaro 168.8 Milyan oo doollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here