DHAGEYSO:129 arday oo Kenyaan ah oo laga soo daadgureeyay Suudaan

Waxaa wadanka dib loogu soo celiyay arday dhan 129 oo ku xayirnaa dalka Suudaan oo ay jaamacad ka dhigtaan.
Galinkii dambe ee shalay ayay yimaden waxaana soo qaadday mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda qaran ee duulimaadyada ee Kenya Airways.
Baaritaano caafimaad ayaa lagu sameeyay ardaydan waxaana u billowday karantiil muddo 14 cisho ah.
Ardaydan ayaa dhiganayay jaamacadda International University of Africa ee ku taalla Suudaan.
Waxay ka soo kala jeedaan ismaamullada Mombasa, Kwale, Kilifi iyo Lamu ee gobolka xeebta.
Mid ka mid ah ardayda wadanka dib loogu soo celiyay ayaa dareenkiisa sidatan u muujiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here