DHAGEYSO:14,000 oo ka mid ah shacabka waqooyi bari oo laga saaray diiwaanka hay’adda UNHCR

Dowladda dhexe ayaa billowday barnaamij aqoonsiga qaran lagu siinayo ilaa 14,000 oo qof oo ka mid ah dadweynaha gobolka waqooyi bari .
Tani ayaa timid kaddib markii lagu guulaystay in diiwaanka hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR laga saaro macluumaadka dadkan.
Waxaa in muddo ah socday dadaallo ay wadeen madaxda siyaasadeed ee gobolka oo ku aaddanaa in faraha shakhsiyaadkan laga saaro nidaamka qaxootiga si ay ugu suurtagasho helidda sharciga Kenya.
Xoghayaha sare ee wasaaradda arrimaha gudaha u qaabilsan dhanka maamulka Xuseen Dhaado ayaa arrinkan faahfaahin ka bixiyay

Waxaa sido kale tallaabada ay dowladda qaadday ka hadlay qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka waqooyi bari sida xildhibaanka Koonfurta Wajeer iyo dhigiisa Lagdera

Barnaamijkan faraha qaxootiga looga saaraya dadka deegaanka ee galay diiwaanka hay’adda UNHCR ayaa bilowday bishii Noofeembar ee sannadki hore iyadoona dowladda ay xilligaasi ballanqaadday in Kenyaanka dhabta ah ee isu diiwaangeliyay qaxootinimo la siin doono kaararka aqoonsiga bishii Maarso ee sannadkan.
Balse waxaa barnaamijkan la joojiyay markii uu soo shac baxay cudurka coronavirus ee caalamka halakeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here