DHAGEYSO:16 foolasha maroodiga oo Nakuru lagu qabtay

Ciidamada ammaanka dowlad deegaanka Nakuru ayaa lagu soo warramayaa inay gacanta ku dhigeen wiil iyo aabihii oo siday 16 ka mid ah foolashada maroodiga.
Booliska ayaa sheegay in eedeysanayaashan la qabtay kaddib xog laga helay dadweynaha .
Waxay wararku intaasi ku darayaan in wiilka iyo aabihii ay sugayeen qof ka tagay magaaladatani Nairobi oo ay ku heshiiyeen inuu ka iibsado foolashada maroodiga ee gaaraya ilaa 16.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay xaafadda Royal Estate ee magaalada Nakuru.
Taliyaha booliska Nakuru Stephen Matu ayaa faahfaahinaya howlgalka ay sameyeen ee labadaasi qof lagu soo qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here