DHAGEYSO:2 qof oo ay burcad ku dishay Laikipia

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Laikipia ayaa sheegaya in weerar ay burcad halkaas ka gaysatay ay ku dhishay laba qof .
Weerarka ayaa aroornimadii hore ee maanta ka dhacay tuulada Ngare Narok ee ku taalla waqooyiga Laikipa.
Waxay sido kale dhaawacyo culus soo gaareen saddex qof oo dheeraad oo uu ka mid yahay sarkaal horay uga tirsanaa ciidamada booliska ee keydka.
Dhaawaca ayaa hadda xaaladooda caafimaad lagula tacaalaya isbitaalka deegaanka Nyahururu .
Sido kale waxaa la dhacay in ka badan 186 neef oo ari ah iyo 20 lo’a ah.
Waxaa la rumeysan yahay in burcadda weerarka soo qaadday ay ka timid ismaamulka Laikipia dariska la ah ee Baringo .
Dadka deegaanka ayaa sheegay in burcad ah in ka badan 20 ay abaare 4-tii aroornimo ee saaka weerarka soo qaadeen, waxayna codsanayaan in amniga la adkeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here