DHAGEYSO:2 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay wadada u dhaxaysa Nakuru iyo Eldoret

Shil ka dhacay meel u dhow goobta ganacsiga ee loo yaqaano Sachangwan ee ku taalla wadada weyn ee xiriirisa magaalooyinka Nakuru iyo Eldoret ayaa waxaa ku dhintay laba qof.
Shilka ayaa yimid kaddib markii ay isku dhaceen mid ka mid ah baabuurta xamuulka iyo mooto.
Labada qof ee halkaas ku dhintay ayaa ah wadihii mootada iyo rakaab dhugdhugleeyda saarnaa.
James Gatara oo ka mid ah saraakiisha taraafikada ayaa sheegay in laba qof oo rakaab ah ay mootada saarnayeen oo midkood uu dhaawac soo gaaray.
Mr. Gatara ayaa dhanka kale gaadiidleyda iyo rakaabka ugu baaqay inay taxaddar muujiyaan gaar ahaan xilliga habeenkii.
Wakiilka deegaanka hoose ee Molo, Michael Njoroge ayaa dhankiisa wadayaasha baabuurta iyo mootooyinka ku booriyay inaynan adeegsan xawaara ka sarreeya heerka sharciga waafaqsan.

Dhaawaca ayaa hadda lagu dabiibaya isbitaalka St Joseph halka meydadka dadka dhintay la geeyay goobta meydadka lagu keydiyo ee xaruntaasi caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here