DHAGEYSO:2 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay wadada u dhexeysa Nyeri iyo Nyanyuki

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Nyeri ayaa sheegaya in labo qof ay shil ku dhimatay halka saddex kalena ay dhaawacmeen.
Dadka dhintay waxaa ka mid ah sarkaal ka tirsan booliska dalka.
Shilka oo u dhexeeyay baabuur yar iyo mid ka mid ah gawaarida xamuulka ayaa laga soo tabiyay wadada isku xirta Nyeri iyo Nanyuki.
Mid ka mid ah goobjoogayaasha iyo darawal ayaa warbaahinta uga warramay sida ay wax u dhaceen

Dhaawaca saddexda qof ayaa lagu daaweynayaa isbitaalka weyn ee Nyeri halka meydadka la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here