DHAGEYSO:2 qof oo xalay lagu dilay Xananbuure

Deegaanka Xananbuure ee dhaca inta u dhaxeeysa Dhuusamareeb, caabudwaaq iyo cadaado ayaa xalay lagu dilay laba qof oo dadka xoola dhaqatada ah ka mid ahaa.
Dilka waxaa uu yimid ka dib markii dhawaan roobka dayrta oo ka da’ay deegaanka ay u soo naqraaceen xoolo dhaqato badan.
Cabdinuur Maxamed cadde oo ka mid ah dhallinyarada deegaanka xananbuure oo uu wareystay wariyaha idaacadda Star FM ee gobolka Galgaduud Cubeyd Xasan Maxamuud ayaan wax ka weydiinay dilkii xalay iyo xaaladda deegaanka

Dhowr mar ayaa maleeshiyaadka beeluhu ku dagaalameen deegaankaas iyo kuwo u dhaw balse dagaalkii u danbeeyey waxaa uu dhacay bilaawgii bishii sagaalaad ee sanadkan.
Nolasha dadka deegaanka ee caafimaadka, waxbarasha iyo ganacsiga bulshada xananbuure ku nool waxaa saameeyn ku yeeshay dagaalada maleeshiyaadka
Maamulka Galmudug oo kala dhex galay ayaa lagu eedeeyey in uu ka gaabiyey sidii xal waara looga gaari lahaa colaadda laba dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here