DHAGEYSO:3 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay xeebta

Ilaa saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shil maanta ka dhacay wadamada weyn ee isku xirta Malindi iyo Mombasa.
Waxay dhanka kale dhaawacyo soo gaareen ugu yaraan 20 kale kaddib markii ay isku dhaceen mid ka mid ah baabuurta loo yaqaano mataatuuda iyo gaari si khaas ah loo leeyahay.
Taliyaha ciidamada kala haga baabuurta isticmaala waddooyinka ee Taraafikada ee deegaankaasi George Nateybei ayaa shilkaasi xaqiijiyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in laba qof ay isla goobta ku dhinteen halka midka saddexaad uu nafbaxay isagoo isbitalka lagu daaweynayo.
Dadka ay soo gaareen dhaawacyada ayaa hadda xaaladooda caafimaad lagula tacaalaya isbitaalka deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi.
Qaar ka mid ah goobjoogayaasha dhacdadaasi oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahinaya sida ay wax u dhaceen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here