DHAGEYSO:300 oo qof oo Garissa uga soo tagaya aaska qaran ee Moi

Ismaamulka Garissa ayaa la filayaa inay ka soo safraan ilaa saddex boqol oo qof si ay uga qeyb galaan xuska qaran ee berri loo qabanaya madaxweynihii labaad ee dalka Daniel Toroitich Arap Moi oo dhawaan geeriyooday.
Xafladda maamuuska qaran oo uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ku hoggaamin doono shacabka ayaa ka dhacaysa garoonka cayaaraha ee Nyayo Stadium ee magaaladatani Nairobi.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Garissa Meru Mwangi ayaa warbaahinta u sheegay in shacabka ay u dhaga nuglaadeen baaq loo diray.
Wuxuu xusay in dad badan ay farriimo tacsi ah ku qoreen buug loo bandhigay.
Sido kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dhammaan deegaanada hoose ee Garissa min toban qof laga soo qaadaya.
Dadkan ayaa ku soo safraya basas ay si ugu biiraan Kenyaanka kale.
Waxaa uu Mr. Meru Mwangi sido kale sheegay in ay diyaariyeen ilaa saddex bas oo dadka soo qaadi doono.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Garissa ayaa horay uga tirsanaa dowladdii Moi waxaana ka mid ah xildhibaankii hore Xuseen Macallin iyo Generaal Maxamuud Barrow oo kaalin weyn ka qaatay in dalka laga badbaadiyo isku daygii afgembi ee sannadkii 1982-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here