DHAGEYSO:38 ka mid ah ardayda dugsiga Marafa ee Kilifi oo laga helay cudurka COVID-19

Waxaa uu cudurka COVID-19 haleelay 38 ka mid ah ardayda dhigata dugsiga sare ee Marafa ee ismaamulka Kilifi.
Barasaabka dowlad deegaankaas Amason Kingi ayaa sheegay in xaaladaha caabuqa corona ay gaareen heer walaac laga muujiyo.
Kingi ayaa shacabka ugu baaqay in ay si buuxda u dhaqangeliyaan amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynayo faafidda cudurka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ardayda uu xanuunka soo ritay la geeyay goob gaar ah.
Mr. Kingi , guddoomiyaha Kilifi ayaa sheegay in hadii halkaas ay kiisaska ku kordhaan ay soo saari doonaan tallaabooyin adag oo dheeraad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here