DHAGEYSO:39 haweeen oo ka qeyb galayay xaflad aroos ah oo lagu qabtay Komarock

Waxaa xalay fiidkii gacanta lagu dhigay 39 qof oo haween soomaali ah oo ku sugnaa xaflad aroos oo ka dhacaysay Nasra Estate oo ku taalla xaafada Kamorock ee magaaladatan Nairobi .
Haweenkan ayaa la geeyay xarunta machadka lagu barto culuunta caafimaadka ee KMTC halkaas oo 14 maalmood lagu karantiili doono.
Taliyaha saldhigga booliska ee Kayole Wilson Kosgey ayaa dhacdadan warbaahinta u xaqiijiyay.
Waxaa uu xusay in haweenka la qabtay aynan micnaheedu ahayn inay qabaan cudurka Covid-19 balse lagula xisaabtamayo amar dowladeed oo ay jabiyeen kaasoo ahaa inaan laga qeyb gelin isku imaatinka dadweynaha oo ay aroosyada ka mid yihiin.
Sido kale Mr.Kosgey ayaa sheegay in arrintan mudnaanta koobaad la siinaya ay tahay xaqiijinta badqabka qofka iyo dhammaan Kenyaanka.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegeen in xubno ka tirsan dadweynaha ay ku soo wargeliyeen in haweenka ay isugu soo urureen xafladda arooska aroornimadii Axadda.
Mid ka mid ah haweenka la qabtay ayaa qiratay dembiga ay sameyeen

Isbuucii la soo dhaafay ayay ahayd markii in ka badan 147 qof laga soo qabtay daafaha magaalada Nairobi gaar ahaan goobaha baararka ee lagu caweeyo kuwaas oo aan u hoggaansamain amarrada dowladda ee ku aaddan xakameynta faafitaanka cudur sidaha coronavirus.
Ilaa iyo hadda waxaa gacanta lagu dhigay 236 qof oo lagu eedeyay inaynan ilalain amarrada iyo talooyinka Dowladda ay ku dhawaaqday.
Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Mercy Mwangangi ayaa shalay shaaca ka qaadday in dowladdu ay soo saartay tallaabooyin cusub oo lagu hubinayo u hoggaansanaanta bandoowga habeenkii wadanka ka jiro.
Wasaaradda ayaa sheegtay in shakhsiyaadka bannaanka lagu arko inta u dhaxaysa 7-da fiidnimo ilaa 5-ta aroornimo muddo 14 cisho ah la karantiilaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here