DHAGEYSO:4 boolis oo COVID19 looga helay Kirinyaga

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka ayaa sheegaya in afar ka mid ah ciidamada ammaanka laga helay cudurka COVID19.
Saraakiishan ayaa isugu jiro afar rag iyo haweeney
Waxaa dhanka kale xanuunka looga shakisan yahay 12 qof oo dheeraad ah.
Barasaab ku xigeenka Kirinyaga Peter Ndamburi ayaa arrinkan warbaahinta u xaqiijiyay wuxuuna weli sheegaya in dowlad deegaankaas uunan si buuxda ugu hoggaansamin la dagaalanka coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here