DHAGEYSO:41 ka mid ah shaqaalaha isbitaalka Pumwani oo laga helay cudurka COVID19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta sheegtay in 41 ka mid ah howlwadeenada isbitaalka umusha ee Pumwani ee magaaladatani Nairobi laga helay cudurka COVID19.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Dr. Patrick Amoth ayaa shaaciyay in natiijadan ay soo baxday kaddib baaritaano lagu sameeyay ilaa 290 sarkaal.

Waxaa uu xusay inaan weli wax natiijo ah laga soo saarin baaritaanada 100 kale oo dheeraad ah.
Agaasimaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in la xaqiijiyay badqabka howlwadeenada kale iyo dadka halkaas u raadsanaya daryeelka caafimaad.
Isbitaalka Qaran ee Kenyatta (KNH) ayaa soo rogay amar uu ku adkeeynayo dadka soo booqanaya isbitalka si ay cudurka coronavirus uga ilaaliyaan shaqaalaha ka howlgala xaruntaasi iyo bukaannada.
Wareegta soo baxday 10-kii bishaan ee July taas oo uu saxeexay madaxa fulinta ee isbitaalka weyn ee KNH Dr Evanson Kamuri, ayaa ku qoraneyd in dadka sida koox u imaanayo albaabada isbitaalka laga xirayo si aysan u soo gudbin.
Bukaankanada ayaa kaliya loo oggolaan in midkiiba hal shaqsi uu imaado, Waxaa Intaa u dheer, in kaliya qofka uu bukaanka soo boqan karo marka uu isbitaalka kula soo xiriiro.
Dr Evanson Kamuri ayaa dhanaka sheegay in dhammaan dadka isbitaalka soo booqanayo looga doonayo inay gacmahooda nadiifiyaan, , inay xirtaan maaskarada afka iyo sanka lagu xirto iyo sidoo kale inay kala fogaadan
Amarakan ayaa ku soo aaday iyadoo kiisaska cudurka ee dalka uu kor u dhaafay 10 kun.
Isbitaalka qaranka ee Kenyatta ayaa ah xarunta caafimaad ee ugu weyn bariga iyo badhtamaha Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here