DHAGEYSO:Shinni cunug ku dishay Banisa

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Banisa ee ismaamulka Mandera ayaa sheegaya in 5 carruur ah oo galinkii dambe ee shalay ay halkaas shinni ku qaniintay mid ka mid ah uu dhintay.
Waxaa weli isbitaalka Banisa ku jiro oo la daaweynayaa afarta kale oo ay dhaawacyo soo gaareen.
Ibraahim Garseey oo ay ehel yihiin qaar ka mid ah carruurta ayaa khadka taleefoonka iigu warramay.

Sido kale waxaa noo suurtagashay inaan wareysano Dr. Aadan Ismaaciil oo ka howlgalo isbitaalka Banisa oo carruurta dhaawaca ah xaaladooda caafimaad la tacaalaya.

Labada qof ee noo warrantay iyo wariyahayaga Maxamad Cabdiqaadir oo noo fududeeyay waa ay mahadsanyihiin waxaana caafimaad degdeg ah Alle uga baryeynaa carruurta dhaawaca ah midkii dhintayna Alle ha u naxariisto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here