DHAGEYSO:544 ah xaaladaha cusub ee corona oo la shaaciyay

Wasaaradda caafimadka dalka ayaa maanta shaacisay xaalada dheeraad oo dhan 544 ee cudur sidaha coronavirus
Waxay tani tirada guud ee kiisaska coronavirus gudaha dalka ka dhigaysaa 19,125 tan iyo bishii saddexaad oo xaaladii ugu horreysay la xaqiijiyay.
Kagwe ayaa carrabka ku dhuftay in xaaladahan cusub laga soo saaray baaritaano lagu sameeyay 5,259 oo dheecaan ah.
Waxaa ila hadda gudaha dalkan cudurka laga baaray 289,759
Dhanka jinsiyadda waxay isugu jiraan 340 rag iyo 204 dumar ah.
113 ka mid ah bukaanadii uu soo ritay cudurka COVID-19 ayaa maanta isbitaallada laga saaray waxayna hadda tirada dadka cudurka kaga caafimaaday gudaha dalka tahay 8,021.
12 qof oo dheeraad ayaa cudurka u dhimatay waxayna hadda dhimashada guud tahay 311.
Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay xarunta dhexe golaha dhakhaatiirta ee KMPDC.
Wasiirka oo kulan la qaatay golaha dhakhaatiirta dalka ayaa xusay in weli ay sarreyso tirada ragga ee uu cudurka saameynaya marka dumarka loo barbardhigo.
Mr. Kagwe ayaa digniin u diray haweenka oo uu ugu baaqay inaynan isdhigan maadaama tirada uu fayraska haleelaya ay soo badanayso.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in dalka uu leeyahay qalab ku filan howlwadeenada caafimaadka oo ay adeegsan karaan si ay cudurka kaga badbaadaan.
Waxaa uu wasiirka ugu baaqay Kenyaanka inay si buuxda ugu hoggaansamaan amarradda iyo talooyinka dowladda ee lagu xakameynaya faafitaanka fayraska corona.
Isagoo fariin gaar ah u diraya dadka khamriga isticmaalo ayuu sheegay in maadaama la mamnuucay ay dhaqaalihii uga bixi jiray wax ugu qabtaan qoysaskooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here