DHAGEYSO:6 qof oo ku dhimatay ismaamulka Elgeyo Marakwet

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ee ku dhintay xadka ay wadagaan ismaamullada dariska ah ee Elgeyo Marakwet iyo galbeedka Pokot oo dhul go’o uu saameeyay.
Tiradan oo ahayd 4 qof ayaa waxaa ku korortay 2 waxayna hadda tahay 6 qof.
Sido kale waxaa la soo helay meydka sarkaal boolisk oo ka mid ahaa 27 qof oo la waayay.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Mr.George Natembeya ayaa sheegay inay weli socdaan howlaha samatabixinta ee lagu raadinaya 26 qof oo weli la la’yahay.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu amray in la iska kaashado gurmadka loo fidinayo shacabka dowlad deegaanadaas.
Dhul go’o ayaa ka dhashay roobab xooggan oo halkaas ka da’ay.
Dhanka kale waxaa guriyahooda ka barakacay ugu yaraan 4,000 oo qof oo u baahan cunno, daawooyin iyo hooy.
Dhanka kale Afhayeenka Dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa ugu yaraan 4,000 qof oo ku barakacay inta u dhaxaysa ismaamullada dariska ah ee Elgeyo Mararket iyo galbeedka Pokot ugu baaqay inay u guuraan meelaha uu joogoodu sarreeya.
Mr. Oguna ayaa sheegay in diyaaradda ciidamada hawada ee dalka ay deeq gaarsiin doonto dhibanayaasha.
Barakaca ayaa ka dhashay dhul go’o yimid kaddib roobab xooggan oo halkaas ka da’ay oo ay daada ka dhasheen.
Hay’adda laanqeerta cas Kenya ayaa sheegtay inay isku dubaridayso howlaha samatabixinta.
Afhayeenka Dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay in Dowladda ay caawinayso qoysaska barakacay.
Bishii 11-aad ee sannadkii hore ayay ahayd markii in ka badan 50 qof ay ku dhinteen dhul go’o saameeyay ismaamulka galbeedka Pokot.
Mid ka mid ah shacabka ismaamulkaas ayaa dareenkeeda sidatan u muujisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here