DHAGEYSO:Aadan Barre oo baaq u diray soomaalida

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa bulshada soomaaliyeed ugu baaqay inaynan fududaysan khatarta cudurka Covid-19 ee uu sababo caabuqa Coronavirus.
Waxaa uu soomaalida kula taliyay inay qaataan awaamiirta Dowladda iyo talooyinka wasaaradda caafimaadka.
Ducaale ayaa carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in gacmaha lagu dhaqdo saabuun iyo biyo sido kalena la adeegsado gacma nadiifiyaha loo yaqaano Hand Sanitizer.
Xildhibaanka ayaa sheegay in soomaalida mararka qaar ay ku adkaato u hoggaansanka amarrada sidaas awgeedna cid kasta laga doonayo inay feejignaato.
Sido kale waxaa uu ku taliyay in loo daneeyo waayeellada ay da’dooda ka sarreyso 58 sano.

Hadalkan ayuu ka jeediyay kulan uu maanta la qaatay mas’uuliyiinta ganacsatada xaafadda islii ee deegaanka Kamukunji iyo culimaaudiin.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ayuu xildhibaanka ku sheegay in maadaama cudurka Covid-19 uu dalka iyo dunidaba ka jiro siyaasiyiinta, culimada iyo ganacsatada ay qaadayaan tallaabooyin lagu badbaadinayo nolosha shacabka.
Guddiga ganacsatada xaafadda islii ayuu hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka sheegay inuu si dhow ula shaqeynaya guddiga loo xilsaaray ka falcelinta Covid-19 ee heer qaran iyo ismaamul labaduba.

Waxaa uu sido kale xildhibaanka soo dhaweeyay go’aanka uu ku tilmaamay mid geesinimo leh ee ay qaateen ganacsatada islii oo ay ku xireen goobaha kala duwan.
Wasaaradda caafimaadka ayaa buufisay goobaha ganacsi sida moolaysha waaweyn ee laga adeegto.
Kulanka maanta qabsoomay oo ahaa mid bulshada lagu wacyigelinayay ayuu Ducaale sheegay inay ka soo baxeen qodobbadan.
1.In xarumaha ganacsi dib loo furaya marka loo hoggaansamo talooyinka caafimaad.
2.In dhammaan dukaamada iyo moolasha ay lahadaan daawada gacmaha lagu nadiifiyo iyo meel gacmaha lagu dhaqan karo.
3.In macaamiisha iyo dadka dukaamada iibinaya aynan aad isugu dhawaan.
4.In mar kasta la xirto maaskarada ama afduubka.
5. In la iska ilaaliyo isku imaatinka sida aroosyada iyo meelaha madadaalada.
6. In guriyaha la joogo si loo badbaadiyo qoyska , carruurta , waayeelada iyo dadka xanuunnada kale qabo.
7. Inaan loo soo safrin ama laga bixin ismaamullada Nairobi ,Mombasa, Kwale iyo Kilifi.
8. In loo hoggaansamo bandowga habeenkii dalka ka jiro.
9. Sido kale guddiga loo xilsaaray fulinta adeegyada Nairobi Metropolitan ayaa laga dalbaday inuu xaafadda islii ka saaro wasaqda sido kalena uu furo bullaacadaha xiran.
Dhanka kale guddoomiyaha ururka ay ku mideysan yihiin ganacsatada xaafadda islii , Ibraahim Xuseen ayaa faahfaahin ka bixiyay goobaha ganacsi ee la xiray isagoo xusay inay tageeri doonaan dadka danyarta ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here