DHAGEYSO:Aadan Barre oo digniin u diray dadka ku dagaalamaya dhulalka

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna mudanaha laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa digniin adag u diray shakhsiyaadka ku dagaalamo dhulalka.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in saraakiisha ammaanka ay tallaabo adag ka qaadayaan cid kasta oo falalkaas ku lug leh.
Mr. Ducaale ayaa dhanka kale ku baaqay in dowladda ay shacabka u fududeyso lahaanshaha dhulalka la dego.
Sido kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in iskudhacyada arrimaha dhulka salka ku haya ay barakac keeneen sidaas awgeedna aan marnaba loo dulqaadan karin .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here