DHAGEYSO:Aadan Barre oo sheegay in ay BBI taagerayaan oo keliya hadii danaha xoolo dhaqatada la tixgeliyo

Xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in taageerada ay u muujinayaan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ay ku xiran tahay sida loo tixgeliyo danaha xoolo dhaqatada.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in hadii warbixinta lagu soo daro qodobbo ay dalbadeen ay diyaar u yihiin in siyaasiyiin ahaan ay si buuxda u taageraan qorshaha wax looga beddelayo dastuurka wadanka u degsan.
Aadan Barre ayaa hoosta ka xarriiqay in hoggaamiye kasta uu u ololeynaya tixgelinta danaha dadkiisa iyo deegaankiisa sidaas awgeedna ay jiraan shuruudo ay lagama maarmaan tahay in la soo buuxiyo si taageero looga helo xoolo dhaqatada .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here