DHAGEYSO:Aadan Barre oo sheegay inaan meesha laga saari karin deegaan ka mid ah waqooyi bari

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa hoosta ka xarriiqay in marka dib u eegista lagu sameynayo xuduudada ismaamullada dalka aan waxbo laga beddeli karin deegaanada gobolka waqooyi bari.
Mr. Ducaale ayaa xusay inaynan marnaba suurtagal ahayn oo aynan ogolaan doonin in meesha laga saaro deegaan baarlamaneed ama deegaan hoose oo ka mid ah Garissa iyo ismaamullada kale ee gobolka.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay deegaanada Balambala, Lagdera , Ijara iyo Koonfurta Wajeer.
Aadan Barre Ducaale ayaa soo jeediyay in xita laba deegaan laga dhigo Ijara iyo Koonfurta Wajeer.

Dhawaan ayay ahayd markii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC uu soo saaray qoraal ku saabsan in la guda geli doono geedisocodka dib u habeynta xuduudada deegaanada kala duwan ee wadanka.
IEBC ayaa shaaca ka qaadday in howshan lagu saleyn doono macluumaadka ka soo baxay tirakoobkii dalka laga sameeyay bishii sideedaad ee sannadkii hore.
Xilligaas ayay siyaasiyiinta gobolka waqooyi bari walaac ka muujinayeen tirooyinkii la shaaciyay maadaama abaar jirtay awgeed xoolo dhaqato badan ay u gudbeen dhanka soomaaliya iyo Itoobiya.
Dhanka kale xildhibaanka ayaa xilli uu ku sugnaa dugsiga sare ee wiilasha ee Boystown oo ku yaalla magaalada Garissa waxaa uu si adag uga hadlay macallimiinta aan u dhalan deegaanada gobolka waqooyi bari ee dhawaan halkaas laga soo qaaday.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha waxbarashada laga doonayo inuu u yeero madaxa fulinta ee guddiga adeegga macallimiinta ee TSC Mrs. Nancy Macharia.
Sido kale waxaa uu xusay inaan laga hadli karin mideynta shacabka iyadoo sida uu hadalka u dhigay TSC iyo wasaaradda tacliinta ay iska kaashadeen in ilaa 1000 barayaal ah ay ka soo tagaan dowlad deegaankaas.
Aadan Barre Ducaale ayaa sido kale dalbaday in wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha iyo abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai su’aalo laga weydiiyo caqabadda dhanka tacliinta ee ka jirta gobolka waqooyi bari taasoo loo aaneynayo amni darro.

Xildhibaanka ayaa sido kale kulan la qaatay macallimiinta iyo waalidiinta si uu uga wareysto tallaabada uu qaaday guddiga TSC ee ay ka dhalatay saameynta waxbarasho.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ayuu Ducaale ku sheegay inuu u mahadcelinayo 180 ah arday dhigta xarumo kala duwan oo si iskood ah isugu soo saaray inay wax baraan ardayda ismaamulkaas ee ay barayaasha ka soo tageen.
Mudanaha oo furay qeybta sheybaarka ee dugsiga Boystown Secondary School ayaa carrabka ku dhuftay inay ku dadaalayaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka dhinaca waxbarashada ee gobolka waqooyi bari ka jiro.
Sido kale qoraalka xildhibaanka ayaa waxaa qeyb ka ah inuu u mahadceliyay 22 macallimiin ah oo aan deegaanada Garissa u dhalan balse diiday inay ka soo tagaan dugsiyada ay wax ka dhigaan.
Aadan Barre ayaa go’aanka TSC ay macallimiinta uga soo wareejisay gobolka ku tilmaamay mid baal marsan shuruucda dastuuriga ee dalka.
Amni darrada saameysay qeybo ka mid ah ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera ayuu xusay inay lagama maarmaan tahay in loo adeegsado dadaalo iskaashi ku saleysan oo ka dhaxeeya laamaha ammaanka iyo bulshada.
Ugu dambeyn waxaa uu xildhibaanka Garissa Township xusay inaynan caqli-gal ahayn in TSC ay macallimiin ka soo wareejiso gobolka waqooyi bari iyadoo dhanka kale dowladda dhexe ay xoogga saarayso sidii ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol ugu biiri lahaayeen dugsiyada sare ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here