DHAGEYSO:Afhayeenka dowladda oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay fasal ku dumay deegaanka Dagoretti

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna oo ka hadlay dhacdo saaka laga soo tabiyay deegaanka Dagoretti ee magaaladatani Nairobi ayaa sheegay in la xaqiijiyay in ugu yaraan 7 arday ah ay dhinteen.
Waxaa dhanka kale isbitaalka qaran ee Kenyatta la geeyay 64 kale oo dheeraad ah kaddib markii uu soo dumay mid ka mid ah fasallada dugsiga sida gaarka ah loo leeyahay ee Precious Talent Top school .
Mr.Oguna ayaa sheegay in dowladda ay ku dadaali doonto sidii dhammaan ardayda dhaawacmay ay u heli lahayeen daryeel caafimaad.

6 ka mid ah ardayda ayaa dhintay xilli lagu dabiibayay isbitaal la geeyay halka midka toddobaad isagoo meyd ah laga soo saaray burburka hoostiisa.
Mulkiilaha xaruntaasi waxbarasho Moses Wainaina oo ka hadlay dhibaatada dhacday ayaa u aaneeyay bullaacad laga sameynayay meel aan sidaasi uga fogeyn fasalka burburay.
‏ Waxay wararku intaasi ku darayaan in fasalkaasi ay wax ku baranayeen 200 oo arday ah.
Waxaa weli socdo howlaha samatabixinta waxaana halka ay dhibaatadan ka dhacday gaaray mas’uuliyiin sar sare oo uu ka mid yahay xoghayaha guud ee wasaaradda waxbarashada Dr. Belio Kipsang.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in dugsigaasi musiibadan laga soo tabiyay uu dowladda u diiwaan gashanyahay.
Sido kale waxaa uu xusay in ugu yaraan 800 oo arday ah ay xaruntaasi wax ka baranayeen iyadoo hadda ay badqabaan marka laga soo tago inta arrintan ay sida gaarka ah u saameysay.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in dhacdadan warbixin laga soo saari doono sido kalena tallaabo sharciyeed laga qaadayo cidii dembi lagu helo.
Qaar ka mid ah injineerada dalka ayaa su’aal geliyay qaabka fasallada dugsigaasi loo dhisay oo ay sheegeen inaan aad loo adkeynin.
Waxaa durbaba soo baxaya warar sheegaya in waalidiinta qaar ay horay walaac u muujiyeen.
Qaar ka mid ah waalidiinta ay carruurtooda dugsigaasi ku waxyeeloobeen ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay .

Maamulka isbitaalka qaran ee Kenyatta oo la geeyay ardayda dhaawacmay ayaa sheegay in laba ka mid ah ay xaaladooda aad u liidato.
Hay’adda laanqeerta cas Kenya ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee twitarka waxay ku sheegtay in waalid waliba oo canugiisa uu dugsigaasi dhiganayay oo raadinaya uu la xariiri karo nambarka ah 0715 820 219.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here