DHAGEYSO;Agab la gaadhsiiyay siiyay dadka ku sugan deegaanada Shabaab laga saaray.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka shabeelada Hoose oo iskaashanaya ayaa agab kala duwan xalay gaadhsiiyeen dadka shacabka ah eek u nool deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka shabeelada Hoose halkaasoo horaantii bishaan laga saaray dagaalameyaasha AL-shabaab.
Agabkaan ayaa isugu jira kuwa beeraha lagu fasho,kuwa dhismayaasha loo adeegsado iyo bacaha roobka laga galo.
Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee degmada Afgooye Cumar Garabeey ayaa wuxuu faahfaahinayaa waxyaabaha ay gaadhsiiyeen shacabka ku nool deegaanada gobolka shabeelada Hoose ee laga saaray Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here