DHAGEYSO:Ahlusuna oo dowlad uga digtay inay ka baxdo heshiis ay horay u wada galeen.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamadii Ahluusnna ee horay loogu biiriyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya kuna sugan Magalada dhuusamareeb ee xaarunta gobolka Galgaduud ayaa Dowladda federaalka Soomaaliya u soo deediyay inaysan ka baxin heshiiskii ay la gashay Madaxda Ahlusunna.
Ayagoo Warbaahinta kula hadlayay Magalada Dhuusamareeb,ayaa waxay sheegeen in Madaxda Ahlusunna iyo Dowladda Federaalka ay hehsiis horay u wada gareen,hayeeshee dowladda Soomaaliya ay u muuqato inaysan dhaqan gelinayn heshiiskaas.
Waxay Tilmaameen saraakiishaas ka tirsan ciidanka Ahlusunna ee gobolada dhexe ku sugan in hadii ay dowladda Soomaaliya ka baxdo heshiiskaas ay dhankooda qaadanaya Amarka Madaxda Sare ee ahlusunna,isla markaana aysan ku qanci doonin waxkasta oo ay dowladda soomaaliya u keento.
Sidoo kale waxay soo hadal qaadeen dalacsiinta saraakiisha ciidamadii Ahlusunna,waxayna Xuseen inaysan aqbaleyn in si aan sax ahayn loo adeegsado dalacsiintaas.

 

Hadalkaan kasoo yeeray Saraakiishii ciidamada Ahlusunna ee ku biiray dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay Madaxda Ahlusunna ay dowladda Federaalka ku eedeynayeen inaysan weli fulin heshiiskii ay wada gaareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here