DHAGEYSO:Ahlusunna oo mar kale cadeysay mowqifkooda doorashada Galmudug

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa mar kale waxaa uu sheegay in howlaha doorashooyinka ay dowladda federaalka Soomaaliya ka waddo magaalada dhuusamareeb ay yihiin kuwo si musuq maasuqa ah ku socda,isla markaana ay qeyb ka ahayn.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in Xildhibaannada Cusub ee Galmudug ay dowladda Federaalka 69 kamid ah madaxtooyada Soomaaliya kusoo xushay isagoo intaas ku daray in laga ilaaliyey kuwo xiriir la leh Ahlusunna Wal-Jamaaca.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka hadlay doorasahdii guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa tilmaamay inay ahayd mid aan sida habboon u dhicin oo la afduubtay

Madaxa xukuumadda Galmudug oo u warramayay mid ka mid ah warbaahinta gudaha soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta Ahlusunna Wal-Jamaaca aynan u tanaasulin si dhinacyada uu khilaafka ka dhaxeeya ay heshiis u gaaraan

Waxaa uu ugu dambeyn sheegay in khilaaf kasta oo jira aynan marnaba suurtagal ahayn inuu dagaal ku dhex maro magaalada Dhuusamareeb dhinaca Ahlusunna Wal-Jamaaca iyo dowladda federaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here