DHAGEYSO:Allaha ha u naxariistee Sheikh Ali Guure oo maanta ku geeriyooday Garissa

Eebe ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Gaarisa si qafla ah ugu geeriyooday Sheekh Cali Guure oo aqoonyahan ah kana mid ahaa ducaadda ismaamulkaasi.
Sheikh Ali Gure ayaa si weyn bulshada Muslimiinta ah ugu fidinayay gaarsiinta diinteena Islaamka isagoona muxaadarooyiin badan dadka u faa’ideeyay.
Shekh Hassan Cabdi oo ka mid ah culumada magaalada Garissa xubina ka ah golaha sare ee muslimiinta dalka ayaa idaacada STAR FM uga warramay inta uu aqoonta u lahaa Marxuumka Allaha ha u naxariistee.

Culimada ismaamulka Mandera waxaa ay tacsi u dirayaan sheeikha geeriyooday.

Haatana aan yar dhagaysano mid ka mid ah muxaadarooyiinkiisa uu daaciga kaga hadaylayay geerida nabigeena Maxamad Scw

Salaada casar ka dib ayaa lagu wadaa in lagu tukado salaada Janaazada.
Dhamaan shaqaalaha iyo maamulka idaacada Star Fm waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan eheladii iyo qoyskii uu ifka kaga tagay Sheekh Cali Guure .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here