DHAGEYSO:Amar dowlada Soomaaliya ka soo baxay oo Maanta dhaqan galaya

Dawladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey canshuur dhaaf loo sameynayo cunnada quutul daruuriga, si looga hor tago koror ku yimaada qiimaha maciishada, sidoo kalena aysan saameyn ugu imaan tallaabooyinka looga hortagayo faafidda Covid19.
War kasoo baxey Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Raashinka canshuur dhaafka loo sameeyay ay kamid yihiin Bariiska iyo timirta oo loo sameeyay canshuur dhaaf dhan 100%, iyo Burka iyo saliidda oo loo sameeyay canshuur dhaaf gaaraya 50%.
Canshuur dhaafka ayaa billaabanaya 15ka bishaan Apriil, 2020 oo Maanta ku beegan, si aysan saameyn ugu yeelan maciishadda xilliga bisha barakeysan ee Ramadaan oo hada Fooda nagu soo haysa.
Sidoo kale wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay dhiirri gelineyso sare u qaadidda wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beeraha si ay qayb uga noqdo dadaallada lagu baadi goobayo isku filnaasho iyo kobac dhaqaale oo waara.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaaale Beyle ayaa sheegay in isu socod la’aanta xayirtay dhaqdhaqaaqii ganacsiga dalka dhibaato xoog leh ay u gaysanayso dhaqaalaha wadanka maadaamada uu hoos u dhacay dhaqaalihii ka soo xeroon jiray furdooyinka iyo canshuuraha berriga intaba.
Wasiirka ayaa bogaadiyay dadaallada madaxda sare ee lagu raadinayo dhaqaale looga soo kabsado hoos u dhaca xoogga leh ee ku soo fool leh dhaqaalaha waddanka Soomaaliya ee uu sababi karo xanuunka Covid19 oo aduunka safmarka ku ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here