DHAGEYSO:Anne Waiguru oo soo dhaweysay go’aankii aqalka sare

Barasaabka ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka Anne Waiguru ayaa soo dhaweysay go’aan ka soo baxay guddi ka tirsan aqalka sare.
Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa hoggaaminayay senetarka ismaamulka Kakamega Cleophas Malala.
Waxaa uu guddigu baaritaano ku sameyay eedeymo loo soo jeediyay Waiguru sida musuqmaasuqa iyo inay dastuurka ku xadgudubtay.
Xubnaha guddigan ayaa sheegay inay wax dembi ah ku waayeen Waiguru oo wakiillada golaha hoose ee Kirinyaga ay xilka qaadis ku sameyeen.
Haweeneydan ayaa go’aanka guddiga ku tilmaantay mid taariikhi ah waxayna sheegtay in xilka qaadisteeda ay ka dambeyeen shakhsiyaad ay siyaasad ahaan iska soo horjeedaan.
Martha Karua oo horay xilka guddoomiyanimo kula tartantay Waiguru ayaa dhankeeda ammaantay wakiillada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here