DHAGEYSO:Aqalka sare oo galabta go’aan ka gaaraya qaabka loo wajahaya eedeymaha Waiguru

Aqalka sare ee dalka ayaa lagu wadaa inuu galinka dambe ee maanta go’aamiyo qaabka habboon ee loo wajahaya eedeymaha ka dhanka ah barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru.
Dhawaan ayay ahayd markii wakiillada dowlad deegaankaas ay xilka ka qaadeen haweeneydan oo ay ku eedeyeen maamul xumo iyo dastuurka oo ay sheegeen inay ku xadgudubtay.
Aqalka sare oo dhawaan si rasmi ah loogu wareejiyay mooshinka xilka looga xayuubiyay Waiguru ayaa maanta la filayaa inuu arrinkan guddi u saaro ama dhammaan xubnaha senate-ka ay eegaan waxyaabaha lagu saleeyay tallaabadii ay wakiillada Kirinyaga qaadeen.
Hadii loo codeeyo in guddi gaar ah uu baaritaano sameeyo waxaa uu ka koobnaan doonaa 11 xubnood si ay 10 cisho gudahood warbixin u soo gudbiyaan.
Hasa ahaate waxaa jirta hadal hayn siyaasadeed oo ah inay suurtagal tahay in saameyn lagu yeesho go’aanka 11-ka xubnood sida ay muujiyeen laba ka mid ah siyaasiyiinta Kirinyaga

Raila Odinga , madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa beeniyay inuu senetarrada xisbigiisa ka tirsan ku amray inay badbaadiyaan Waiguru .
Sido kale senetarka ismaamulka Murang’a ahna mas’uulka siyaasiyiinta Jubilee u qaabilsan dhanka kala dambeynta ee aqalka sare ayaa isna xusay inay dhexdhexaad ka yihiin caqabadda haysata Waiguru.
Dastuurka dalka farqadiisa 182 -aad ayaa qeexaysa in hadii barasaabka xilka laga xayuubiyo, in ku xigeenka uu jagadaas la wareegaya.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wakiillada golaha hoose ee Kirinyaga ay si aqlabiyad leh ugu codeyeen inay xafiiska banneyso Anne Waiguru
Waxaa mooshinka xilka qaadista ee ka dhanka ahaa haweeneydan codkooda ku taageeray 23 ka mid ah 33-da xubnood ee golahaas.
Barasaabka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa dhankeeda eedeymaha loo soo jeediyay ku tilmaantay waxba kama jiraan lagu fulinayo dano siyaasadeed.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay xilka qaadisteeda ka dambeeyaan siyaasiyiin u hanqal taagaya jagada barasaabka ee Kirinyaga sannadka 2022-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here