DHAGEYSO:Aqalka sare oo maanta ka doodaya qaabka ay ismaamullada u qaybsanayaan dakhliga

Xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa maanta yeelanaya kal-fadhigii toddobaad ee ku saabsan qaabka dowlad deegaanada wadanka ay u qaybsanayaan dakhliga .
Kulamo hore oo uu yeeshay senate-ka ayaan wax heshiis ah laga gaarin.
Senetarada ayaa ku kala qeybsamaya nidaamka saddexaad ee la doonayo in ismaamullada loogu qeybiyo dhaqaalaha .
Qaar ka mid ah senetarada ayaa ka soo horjeestay hannaankan oo ay sheegeen inuu horseedayo sinnaan la’aan dhanka kheyraadka ah.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii hoggaamiyaha mucaaradka dalka ahna madaxa xisbiga ODM Raila Odinga uu sheegay in Khilaafka ka dhashay qaybsiga dakhliga uu sababay kala fogaansho iyo is aamin la’aan xili loo baahan yahay in dadka ay isku duubnaadan sii loola dagaalamo fayraska corona virus.
Mr. Odinga ayaa ugu baaqay Senetaarada inay aqbalaan nidaamka dakhli qaybsiga ee ay soo diyaariyeen guddiga qoondaynta dakhliga ee CRA si loo adeegsado muddada shanta sano ee soo socota.
Raila Odinga ayaa Senetarada xasuusiyay in ay markii hore iyaga meel maariyen hindise sharciyeedkii koowaad ee qaybsiga dakhliga .
Nidaamkan cusub ee qaybsiga dakhliga dalka ayaa dhigaya in dakhliga lagu qaybsado tirada dadka ee ismaamulada ku nool iyada oo ay ismaamulada dadkooda badan yihiin heli doonan lacagaha ugu badan.
Hoggaamiyasha ka soo jeeda ismaamulada ay dadkooda yar yihiin balse ku fadhiyada dhul uu baaxadiisu weyn yahay ayaa ka soo horjeeda nidaamkan waxayn ku doodayaan in haddii hannaankan la meel maariyo ay dowlad deegaanadooda lumin doonan 17 bilyan oo shilin.
Dadka sida adag uga hadlay kana soo horjeestay waxaa ka mid ah senetarka ismaamulka Wajeer Dr. Cabdullahi Kabreta oo cadaalad darro ku tilmaamay.
Nidaamkan ayuu senetarku sheegay inuunan ka duwanayn kuwii hore maadama sida uu hadalka u dhigay uu wadanka u kala qeybinaya sidii qoraalkii 10-aad ee sannadkii 1965-tii
Isagoo soo xignaya mabaadi’ida maareynta lacagaha dadweynaha farqada 201 , B qeybta saddexaad ayuu Dr. Cabdullahi sheegay in isticmaalka dhaqaalaha la doonayo inuu xoojiyo horumarka siman ee dalka oo ay ka mid tahay in la soo saaro xeerar lagu taageeraya bulshooyinka iyo meelaha la gacan bidixeeyay tani xita ma nagu soo dhacday.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in ansaxinta nidaamkan uu horseedaya inay dhaqaalo badan helaan deegaano sida uu sheegay uu horumar buuxa ka jiro.
Dhanka kale madaxda laga soo doortay ismaamullada Xoola dhaqaatada dalka ayaa si adag uga soo horjeestay nidaamka la doonayo in dowlad deegaanada ay ku qaybsadaan dhaqaalaha.
Waxay sheegeen inaynan caddaalad ahayn in la adeegsado hannaan ku saleysan tirada dadweynaha ee ismaamul kasta ku nool.

Sido kale dhalinyarada aqoonyahanada ah ee gobolka waqooyi bari ayaa iyaguna ugu baaqay senetarada inay eegaan dhibaatooyinka ka jiro gobolka waqooyi bari iyo deegaanada la midka ah ee dhanka horumarka ku dambeeya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here