DHAGEYSO:Aqalka sare oo maanta yeelanaya kal-fadhi ku saabsan qaybsashada dakhliga

Waxaa la filayaa in xubnaha aqalka sare ee dalka ay maanta yeeshaan kal-fadhigii sideedaad ee la doonayo in heshiis looga gaaro nidaam muran dhaliyay.
Hannaankan oo ah midkii saddexaad ayaa qeexaya sida ismaamullada wadanka ay u qaybsanayaan dakhliga soo galo.
Waxaa uu soo jeedinaya in qaybsashada dhaqaalaha ee dowlad deegaanada lagu saleeyo tirada dadweynaha .
Arrintan ayaa waxaa si adag kaga soo horjeestay siyaasiyiinta xoolo dhaqatada oo ay ka mid yihiin kuwa gobolka waqooyi bari.
Waxay wacad ku mareen inaynan marnaba diyaar u ahayn oo aynan taageersaneyn in la dhaqangeliyo nidaam ismaamullada u horseedaya inaan horumar siman laga sameyn .
Waxay mas’uuliyiintan caddaalad darro ku tilmaameen in lacago laga dhimo deegano horay dhanka horumarka ku dambeeyay.
Senetarka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja oo ka mid ah hoggaamiyaasha nidaamkan aan ku qanacsaneyn ayaa raja ka muujiyay in maanta xal waara la gaari doono.
Toddobaadkii hore ayaa doodda arrinkan ku saabsan dib loo dhigay kaddib markii senetarrada badankooda ay taageereen codsi ka yimid senetarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Mr. Kipchumba Murkomen.
Sakaja ayaa sheegay inay jiraan isbeddelo lagu heshiiyay oo maanta si rasmi ah loo soo bandhigi doono.
Dhanka kale qaar kamid ah shacabka ku nool magaalada Garissa oo ka hadlay hannaankan lagu kala qaybsanaya dakhliga ayaa ka soo horjeestay in dhaqaalaha la siiyo ismaamullada lagu saleeyo tirada dadka waxayna doorbidayaan in lagu saleeyo baaxadda dhulka.

Sido kale waxaa arrinkan ka ra’yi dhiibtay dadweynaha ismamaulka wajeer sida uu faahfaahinayo Cabdiraxmaan Mucaawiye .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here