DHAGEYSO:Ardayda dugsiga sare ee Wajeer oo casharradooda billowday

Maamulaha dugsiga sare ee wiilasha ee magaalda Wajeer Mr. Aaden Qaasim ayaa sheegay in ay casharrada u billaabeen ardayda shalay dib ugu laabtay dugsiyada isagoo dhanka kale baaq u diray waalidiinta.
Waxaa uu sidoo kale faahfaahin ka bixiyay sida ay u dhaqangeliyeen amarrada dowladda ee lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID19

Sidoo kale qaar ka mid ah ardayda wax ka barata dugsigaasi ayaa xusay inay ku faraxsan yihiin dib u furka goobaha waxbarashada.

Dhanka kale qaar ka mid ah shacabka Wajeer ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay dowladda dib ugu furtay fasallada afaraad iyo sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo fasalka afaraad ee dugsiyada sare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here