DHAGEYSO:Ardayda jaamacadda Umadda Soomaaliya oo soo bandhigay tijaabo ay sameeyeen

Ardayda dhigta kuliyadda Beeraha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliya ayaa soo bandhigay cilmi baaris ay ku sameeyeen kala duwanaashaha tacabka Beeraha dalka Soomaaliya iyo Cayayaanada dhibaatooyinka u gaysta Beeraha ku yaala Soomaaliya.
Hormuudka Kuliyadda Beeraha ee Jaamacada Umadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in dalka Soomaaliya Hodan yahay Meelkasta oo ka mid ahna Wax lagu beeri karo loona baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay ku dhiiradaan Tabcashada dalkooda wallow dhanka kale ay jiraan dhibaatooyin ay Cayayaanku ka mid yihiin oo markasta Beeraha Soo weerara.

Dhanka kale Ardayda dhigta kuliyadda Beeraha ee Jaamacadda Umadda Soomaaliya ayaa Tilmaamay inay Tijaabadaan uga gooleeyihiin in dadka Soomaaliyeed ay ku dhiiradaan waxbarashada ayadoo Xitaa ay Caqabado badan jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here