DHAGEYSO:Ardayda kaalimaha hore ka galay KCSE oo ka hadlay sirta guusha

Waxaa natiijada imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare (KCSE) ee sannadkan kaalinta ugu horreysa guud ahaan wadanka galay arday lagu magacaabo Buluma Wabuko Tony.
Waxaa uu waxbarashadiisa ka dhameeyay dugsiga sare ee wiilasha ee Kapsabet Boys ismaamulka Nandi.
Ardaygan ayaa helay buundada A Plain una dhiganta dhibco ah 87.159
Ardaygan oo dareenkiisa warbaahinta la wadaagay ayaa sheegay inuu aad ugu farxay natiijada sarreysa ee uu soo hooyay.
Wuxuu intaas ku daray inuu rajeynayay in buundo wanaagsan uu helo hasa ahaate nasiib wanaag uu hadda wadanka dhanka natiijada KCSE-da ku hoggaaminayo.
Ardaygan ayaa carrabka ku dhuftay inuu doonayo in uu barto culuunta caafimaadka si uu dakhtar dadka daaweeya u noqdo.
Sido kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in laga soo billaabo fasalka koowaad ilaa fasalka afaraad ee dugsiga sare uu si joogto ah u dadaali jiray.
Waxaa uu ardayda kaalimaha hore galay iyo kuwa aan helin natiijo ay ku farxaan ugu baaqay inay Alle u mahadceliyaan.

 

Awoowgii oo soo korsaday ayaa dhankiisa xusay in Buluma Wabuko Tony intii uu ku jiray dugsiga hoose dhexe uunan weligii ka hoos marin nambarka saddexaad ee ardayda imtixaanka ugu horreeya.
Ridhwaan Cabdiraxmaan Sheekh oo waxbarasheeda ka dhameysay dugsiga sare ee gabdhaha ee Al-Azhaar Girls ee ismaamulka Garissa ayaa heshay buundada A- waxaa uuna hammiigeeda yahay inay dakhtarad noqoto.
Gabdhan ayaa guusha u soo hooyatay sirta ka dambeysa ku sheegtay inay aad u dadaashay, duco iyo sido kale taageero ay ka heshay waalidiinteeda iyo macallimiinta, maxaase intaasi u sii dheer.

 

Habeenkii xilli dambe ayaan Alle baryi jiray sido kalena aan wax akhrisan jiray anigoo si gaar ah u raacaya jadwal ii dagsanaa , waxaan sido kale wax wada akhrisan jirnay ardayda aan saaxiibbada nahay.
Maamulaha dugsiga Al-Azhar Axmad Sambuur ayaa dhankiisa sheegay in Ridhwaan ay macallimiinta aad ugu xirneyd oo su’aashii ku adkaataba ay weydiin jirtay .
Ardayda sannadkan imtixaanka KCSE-da sameeyay ayaa isugu jiray 341,440 oo gabdho iyo 355,782 oo wiilal ah.
Waxaa buundada C+ iyo wax ka sarreeya helay arday tiro ahaan dhan 125,746 .
Waxaa natiijada ugu sarreysay ee loo yaqaano A plain helay arday dhan 627, 5,796 waxay soo hooyeen A-, B+ waxaa helay , 13,366 ,B plain: 24,478 , B – waxaa helay 35,340 oo arday ah, C+: 46,139, C:63,102
C minus -83,358 ,natiijada D+ waxay u soo hooyatay 101,687 oo arday ah , D plain: 137,713 , D minus :152,339 halka buundada ugu hooseysa ee E ay heleen 29,318 oo arday ah guud ahaan dalka.
Ardayda baahiyaha gaarka ah qabaa ee sannadkan imtixaanka sameeyay ayay tiradoodu ahayd 1,499 .
Ismaamulka Mandera ee gobolka Waqooyi bari waxaa ugu horreeya Issack Calio issak oo helay buundada A- oo waxbarashadiisa ka dhameeyya dugsiga sare ee Mandera Secondary School.
10-ka dugsi ee dhanka natiijada KCSE-da sannadkan ugu horreeyay ayaa kala ah
1 .Kenya High School- 76As
2. Kapsabet Boys- 49As
3. Alliance High- 48As
4. Moi Kabarak- 30As
5. Alliance girls- 27As
6. Maryhill girls- 25As
7. Maseno School- 23As
8. Nairobi School- 23As
9. Mangu High School- 23As
10. Moi Girls School Eldoret- 21As.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here