DHAGEYSO:Ardaydii ku dhacay Imtixaankii shalay lagu dhawaaqay oo dibadbax Sameeyay

Kaddib markii Shalay wasaaradda waxbarashada,Hidaha iyo tacliinta Sare ee dowlada Soomaaliya ku dhawaaqday imtixaanka Dugsiga Sare arday badan oo gobolka Banaadir ku sugana Imtixaanka ku dhaceen ayaa waxaa Maanta Magaalada Muqdisho Banaanbax ka dhigay qaar ka mid ah ardaydaas dhacday.
Ardayda ayaa sheegay inay dhibco wanaagsan keensadeen balse Imtixaanka lagu riday siday hadalkooda u dhigeen.
Ardayda iyo Waalidiintooda banaanbaxa dhigayay ayaa gaaray afaafka hore ee Madaxtooyada waxayna sheegeen in Ciidamada ilaalada Madaxtooyada ay u diideen inay gudaha u galaan wasaaradda waxbarashada oo aaga Madaxtooyada ku taala.

Qaar ka mid ah waalidiinta Caruurtoodu dhaceen ayaa sheegay inay cadaalad doonayaan

Wasaaradda waxbarashada,Hidaha iyo tacliinta Sare ee dowlada Soomaaliya ayaa shalay shaacishay natiijada imtixaanka dugsiyada Sare,waxayna sheegtay in Imtixanaka ay galeen arday gaaraysa 33,7 27 qof waxaana gudbay 25,177 qof ayadoo ay dhaceen 8,550 arday sida ay sheegtay wasaarada waxbarashada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here