DHAGEYSO:Awaamiir amni oo lagu soo rogay degmada Caabudwaaq

Ciidamada Booliska Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug gaar ahaan kuwa ku sugan degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxay saacadihii la soo dhaafay degmadaasi ka fuliyeen howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga,xilli uu degmada Caaabudwaaq ku wajahan yahay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).
Howlgalkaan ayaa Ciidamada Booliska waxay ka fuliyeen dhamaan Xaafadaha degmadaasi Cabudwaaq ay ka kooban tahay,waxaana uu ahaa mid Gawaarida iyo dadka ku nool Magaaladaasi lagu baarayay si amniga loo xaqiijiyo.
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in, iyagoo fulinaya waajibaadka saaran ay qaadayaan tallaabooyin la xiriira dhanka Amniga,isagoo u mahad celiyay Shacabka ku nool degmada Cabudwaaq oo Ciidamada la Shaqeeya.
Waxaa uu sheegay in cidkasta oo lidi ku ah Amniga ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan,waxaana uu intaas ku daray in maranaba aan la ogolaan doonin dadka hubka Sharci darrada ah ku dhex qaata degmada Caabudwaaq,isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Maanta safar ku tagaya Magaalada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud oo kamid ah goobaha ugu amniga wanaagsan degaannada Galmudug.
Magaalada Cabudwaaq ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa laga dareemayay u diyaar garoowga soo haweynta wafdiga Madaxweyne Qoor qoor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here