DHAGEYSO:Awaamiir lagu soo rogay dadka ku nool degmada Xudur

Kadib kulan ay yeesheen mas’uuliyiinta Maamulka degmada Xarunta ee Gobolka Bakool ayaa waxaa laga soo saarey amaro kala duwan oo la xiriira dhinaca Amniga,kuwasoo la farey dhamaan Shacabka ku nool degmadaasi.
Guddoomiyaha Howlaha Guud & Guryeynta degmada Xudur Cabdirisaaq Isaaq Saajin ayaa sheegay in kulanka laga soo saarey qodobo la Xiriira in qof aan qaan gaarin uusan degmada dhexdeeda ku wadi karin Mooto Bajaajta oo aad uga Shaqeysa Magaalada
Sidoo kale dhamaan Ganacsatada degmada Xudur geeya dawooyinka iyo Cabitaanada ayaa la farey inay iska hubiyaan Tayada Dawooynka ay ka ganacsanayaan,isla markaana aysan iibin karin kuwa waqtigooda uu dhamaaday ee dhacay.
Qofkasta on aan fulin amarkaan kasoo baxay Maamulka degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayuu sheegay Guddoomiyuhu inay ka qaadi doonaan tallaabo Sharciga waafaqsan sida ugu dhaqsiyaha badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here