DHAGEYSO:Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamanka labaad ee Galmudug ee soo xaadiray hoolka doorashada ayaa maanta Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” u doortay inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug kaddib markii uu helay 66 codad ah.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa natiijada madaxweynaha ee Galmudug sidatan ugu dhawaaqay.

Waxaa xigay in loo gudbay codeynta madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ay ku tartamayeen ilaa 5 musharax.
Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay natiijada ka soo baxday wareegga koobaad ee doorashada madaxweyne ku xigeenka

Dhanka kale Waxaa goordhow Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda galmudug kusoo geba-gabowdey doorashada Madaxweyne kuxigeenka Dowlad goboleedka Galmudug oo wareega labaad ay ku tartameen laba musharax.
Musharixiinta wareega labaad ku tartamay ayaa waxaa ay kala ahaayeen Cali Daahir Ciid iyo Cabdi Qani Sheekh Cali Diini,waxana xilka madaxweyne kuxigeenka Galmudug ku guuleystay Cali Daahir Ciid.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in Cali Daahir Ciid uu helay 46 Cod halka Cabdi Qani Sheekh Cali Diini uu helay 31 Cod,sidasina uu ku guuleystay Cali Daahir Ciid.

Dhanka kale Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug,sidoo kale garabka Ahlusunna ay u doorteen Madaxweynaha Galmudug Sheekh Maxamad Shaakir ayaa waxaa uu horay u soo saaray qoraal looga digayo qabsoomida doorashada maanta ka dhacday Dhuusamareeb iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in arrimihii masiiriga ahaa ee Galmudug ay mugdi sii galayaan,isla markaana dad dano gaar ah leh ay qalalaaso ka wadaan deegaannada Galmudug.
Qoraalka Sheekh Shaakir oo loo diray Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu ogeeysiiyey in hadii doorasho maanta ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb dhibaatada ka dhalata ay mas’uuliyadooda qaadi doonto dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Galmudug Axmad Ducaale Geele Xaaf ayaa dhankiisa codeynta ku tilmaamay mid waxba kama jiraan oo la soo dhoodhoobay.
Isaga oo Warbaahinta kula hadlayay magaalada Gaalkacyo ayuu carrabka ku dhuftay in madaxda dowladda Soomaaliya ay dad ka shaqeeya Xafiisyadooda ay ka soo aruuriyeen Magaalada muqdisho,isla markaana ay kamid noqdaan baarlamaanka Galmudug.

Safiirka dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Ambasadoor Donald Yamamoto ayaa isna qoraal uu soo saaray waxaa uu kaga hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan Maamulka Galmudug iyo doorashada maanta la filayo inay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb.
Qoraalka ayaa la soo dhigay barta rasmiga ee twitarka ee safaaradda Maraykanka uu ku leeyahay Muqdisho.
Waxaa uu safiirka xusay inay si dhow ula socdaan geedisocodka howlaha Galmudug gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb.
Danjiraha ayaa dhinacyada kala duwan ugu baaqay inay ka fogaadaan hanjabaado iyo rabshado sido kalena ay sii wadaan ka qeyb qaadashada wada hadalada nabadeed.
Deegaanada Galmudug waxaa xilligaan ka jira khilaaf xooggan oo ka dhasha doorashada Galmudug,waxana dad badan ay walaac ka muujiyeen khilaafka sii xoogeystay,iyaga oo dowladda ugu baaqay inay hakiso howlaha doorasho eemaanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa maanta oo Axad ah ka dhacday doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug,taas oo ay u sharaxnaayeen ilaa 9 musharax.
Musharixiinta Madaxweynaha Galmudug ku tartamayay oo gaaraya Afar ayaa kala ahaa Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor), Cabdiraxman Axmed Sabriye,Axmed Shire Maxamed (falagle), Axmed Cabdullaahi Samater.
Sidoo kale 5 Musharax ayaa u taagnaa qabashada xilka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug,kuwaas oo lagu kaal Magacaabo, Cali Daahir Ciid, Axmed Yuusuf Warsame (Taajir), Saadaq Cabdullaahi Xaashi, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) iyo Cabdi Qani Sheekh Cali Diini.
Doorashada ayaa waxaa diiday,Hoggaanka Ahlusunna,Madaxweyne Xaaf iyo Afar Musharax oo aan is diiwangelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here