DHAGEYSO:Axmed Madoobe iyo Xubno kale oo Maanta Kismaanyo gaaray

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Nairobi ayaa Maanta waxaay dib ugu laabteen Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey masuuliyiin maamulka ka tirsan iyo qaar ka mid ah shacabka deegaanka.
Wafdiga Axmed Madoobe ee Maanta Kismaanyo tahay ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig oo kamid ahaa Xubnihii Isbedel-doonka Jubbaland ee heshiiska la gaaray Axmed Madoobe iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiiradda Maamulkaasi.
Madaxweynaha Maamulka jubaland Axmed Madoobe iyo Cabdi Rashiid Xidig oo warbaahinta la hadlay ayaa waxay ku baaqeen in wada hadal laga galo tabashada masuuliyiinta maamulkaas iyo madaxda dowlada dhexe ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here