DHAGEYSO:Axmed Madoobe oo digniin u diray Maleeshiyaadka dagaalama

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay inay xal buuxa ka gaarto dagaal beeleedyada kusoo laab laabtay deegaano ka tirsan Maamulkaas.
Waxaa uu sheegay in Jubbaland aysan marnaba aqbaleyn in dad ay dad kale ay ku duulaan oo ay dhiigooda baneystaan, iyaga oo isku heysta dhulka baaxada weyn ee ku yaalla deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland.
Axmed Madoobe, isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in dhulka dhowr jeer la isku qabsaday uu yahay mid dadka oo dhan ku filan,balse ay Jubbaland waajib ku tahay in dad horleh ay dhigooda iska daadiyaan.
Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu ka sheegay shir lagu heshiisiinayay laba beelood,kaas oo uu kusoo xiray Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Dhanka kale Maamulka Jubbaland ayaa faah faahiyey Xaaladu la xiriira Cudurka Coronavirus oo laga helay deegaannada maamulkaas,iyagoo sidoo kale sheegay inuu cudurku ku faafayo Bulshada dhexdeeda
Wasiirka Caafimaadka Jubbaland ahna guddoomiyaha Guddiga ka hortagga Cudurka Covid-19, Mursal Maxamed Khaliif ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay la baaray 74 Ruux sidoo kalena ay diiwaan geliyeen 34 xaaladood oo cusub oo la xiriira cudurka Covid-19.
Waxaa uu sheegay in dad badan ay qabaan in cudurka uu kasii yaraanayo deegaannada Jubbaland,isla markaana aysan qaadanayn talooyinka Caafimaad,balse taasi aan waxba ka jirin, cudurkuna uu kusii faafayo deegaannada Maamulka Jubbaland.
Dhamaan dadka ku nool deegaannada Jubbaland ayuu ugu baaqay inay qaataan farriimaha iyo talooyinka Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland,si loo yareeyo faafitaanka Cudurka Safmareenka ah ee COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here