DHAGEYSO:Ayax saameeyay gobolka Galgaduud

Dhulka miyiga Koonfurta degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka soo yeereeysa qayla dhaan dadka xoolo dhaqatadaa ay ka muujinayaan Ayax 24 saac ee la soo dhaafay deegaanadaas gaaray
In kasta oo roobka dayrta uusan si dhameeystiran ugu wada di’in deegaanada haddana Ayaxan oo geedDi ah ayaa hadba meel saanta dhigaya
Saneey oo ka mid ah xoola dhaqatada deegaanka Dabare oo ilaa 30km Koonfur ka xiga degmada Guriceel ayaa inoo sheegay in ilaa shalay 2-dii duhurnimo ay la dagaalamayeen Ayaxa deegaankaas iyo deegaano kalaba gaaray, waxaana uu xusay in ay u tabar waayeen oo ay u baahan yihiin in loo gurmado .

Wadamada Africa oo Soomaaliya ay ku jirto ayaa sanadkaan markii labaad uu fara ba’an ku hayaa Ayaxa oo xaalufinaya daaqa xoolaha iyo dalagyada beeraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here