DHAGEYSO:Baabuur ay adeegsan doonto wasaaradda dhulalka oo xariga laga jaray

Magaalada Nairobi ayaa maanta lagu qabtay munaasabad xariga looga jarayay baabuur loogu talagalay inay isticmaalaan saraakiisha wasaaradda dhulalka ee dalka.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa munaasabaddan guddoomiyay waxaa uuna sidoo kale soo bandhigay sabar loogooyin la siinaya shacabka Samburu.
Xafladda oo ay ka soo qayb galeen xildhibaano , guddoomiyaasha ismaamullada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda dhexe ayuu hoggaamiyaha dalka ka sheegay in tan iyo sannadkii 2013-kii, in ka badan 5 milyan oo qof in la siiyay sabar loogooyinka dhulalka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulka talada haya ee Jubilee ay ka go’an tahay in dadweynaha loo fududeeyo sharciyeynta dhulalka ay deggan yihiin

Sidoo kale qaar ka mid ah shacabka ismaamulka Samburu oo munaasabaddan ka qayb galay ayaa madaxweynaha dalka uga mahadceliyay dadaalka uu ku bixiyay in la siiyo sabar loogooyin .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here